Garoowe (Sahan Post): Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka oo sabti ah dib ugu soo laabtay caasimadda Garoowe, kaddib safar bil qaatay oo ugu maqnaa dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Deni ayaa ka hadlin safarka uu kaga yimid dalka Imaaraadka, wuxuuna la mid ahaa safarro badan oo aan wax faahfaahin ah laga bixin ujeedkooda oo madaxweynaha Puntland ku tagay dalkaas.
Warar Sahan Post heshay ayaa sheegaya in Madaxweyni Denni uu isku dhex shaandhayn ku samayn doono golihiisa Wasiirada, iyadoo la filan karo wejiyo cusub inuu kusoo daro xukuumadiisa.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa berri Garoowe ka furi doona carwada buugaagta Puntland, kaddibna wuxuu u safri doonaa magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka iyo dhameystirka golahaas.
Dalka Soomaaliya ayaa lafilayaa inuu doorasho aado 6 bilood ka bacdi, weli layskuma raacin nooca doorashada iyo habka loo qaban doono iyadoo siyaasiyiintu sii kala fogaanayaan.
Sahan Post
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.