Dakar (Sahan Post):- Wasiirka Arimaha Gudaha ee Wadanka Benin Alassane Seidou ayaa sheegay in uu fashilmay isku day militari oo qayb kamid ah ciidamada wadankaasi ay isku dayeen.
Ciidamada Militariga ayaa ka soo muuqday saaka TV-Ga iyo Raadiyaha Qaranka Benin iyagoo sheegay in ay dalka la wareegeen, oo ay banaanka dhigeen madaxweyne Patrice Talon. Ciidamadan ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan xisbiyadii siyaasadeed lakala diray xuduudaha wadankuna ay xidhanyihiin.
Hase yeeshee wasiirka arimaha gudaha Alassane oo mardanbe la hadlay ayaa sheegay in ay fashiliyeen isku daygaasi, isla markaasna ciidamada qaranku ay gacanta kuwada hayaan dhamaan dalka, iyadoo talada wadanka ay gacanta ugu jirto madaxweyne Patrice.
Ciidamada dalkaasi ayaa babida xidhay militarigii isku dayay inqilaabka iyadoo ugu yaraan 13 askari la xidhay oo dhamaantood ah rag ka tirsan ciidamada marka laga reebo hal mid oo hore uga tirsanaa ciidanka Beniin.
Wadamada Galbeedka Africa ayaa waxaa ka socda isbedelo lagu doonayo in dib loogusoo nooleeyo Pan-Africanism iyadoo tiroba dhowr dal ay la wareegeen xukumada dalalkaasi hogaamiyeyaal militari.

Sahan Post.
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.