Badhan (Sahan Post):- Waxaa maalinimadii shalay tababar ciidan loogusoo xidhay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag askar ka mid noqon doonta ciidanka Daraawiisha Puntland.
Gudoomiyaha Gobolka, Taliska ciidanka difaaca dowladda Puntland, Tiliska bilayska, Saraakiil ciidan iyo xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag kaga qaybgalay munaasabad tababar loogu soo xirayey in ka badan 1582 askari.
Ciidamadaan oo tababar carbixin ah muddo 6 bilood ah ku qaadanayey Kulliyadda Gen. Giriin ee Magaalada Badhan ayaa waxaa khudbad ka jeediyey taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi. Sidoo kale waxaa ka halday Goobta Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Siciid Badmaax iyo Masuuliyiin kale.
Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamadaan loo dhammaystiray dhammaan qalabkii ay u baahnaayeen iyo tababaro kor loogu qaadayey xirfaddooda ayna si rasmi ah ugu biiri doonaan shaqooyinka difaaca dadka iyo deegaamada Puntland.
Saraakiishaan ayaa hubkii iyo gaadiidkii ay ku hawlgeli lahaayeen loo diyaariyey, iyagoo la filayo in ay qayb ka noqdaan dagaalka Puntland kula jirto Kooxda Daacish ee Gobolka Bari, iyo weerarka Puntland qorshaynayso in ay ku xorayso Buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag.
Maamulka Puntland ee uu Hogaamiye Madaxweyne Siciid Cabdullahi Denni ayaa xooga saaray dib udhiska iyo qalabaynta ciidamada maamulkaasi isagoo dhowaan tababar ugusoo xidhay 1500 oo boolis ah degmada Carmo ee Gobolka Bari, Askartaasi oo loo kala diray inta badan gobolada Puntland, halka saldhigyadii ay ku shaqayn lahaayeena ay dawlada Imaaraatku ka caawisay Puntland dhisitaankooda.





Sahan Post
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.