
Sanaag, Badhan (Sahan Post):- Iyadoo ayaamahan dagaal dhiig ku daatay uu ka socday gobolka Awdal iyo Degmada Boorame ayaa Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ka mid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay Gobolka Sanaag wuxuu baaq nabadeed ka diray xiisadda ka taagan gobolka Awdal ee la xiriirta xusta xeer Ciise.
Suldaan Siciid waxa uu nabad ugu baaqay beelaha xiisaddu u dhaxayso ee Samaroon iyo Ciise, isaga oo isimada iyo waxgaradka beelahaas kula taliyay in ay wax kasta ku xalliyaan wadahadal.
Suldaanka ayaa baaqa nabadeed uu soo saaray ku yiri “waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii dadkii ku dhintay shaqaaqooyinkii ka dhacay Boorame. Waxaan eebe uga baryayaa inuu marxuumintaas janada ka waraabiyo. Waxaan sidoo kale eebe ka baryayaa in uu u booga dhayo intii dhaawac ka soo gaadhey”.
“Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee Samaroon iyo Ciise, nabad. Waxaan isimada, cuqaasha, guurtida, waayeelka iyo waxagaradka beelahaas ee nabada caanka ku ah ugu baaqayaa, inay wax kasta ku xaliyaan wada hadal, si dhiig aadane looga baaqsado Allaha weyna loogu dhowaado” ayuu raaciyay.
Suldaan Siciid Cabdisalaan ayaa ka mid ah isimada dhaqanka ee nabada qaybta wayn ka qaata iyo isu soo dhwoeynta bulshada Soomaaliyeed ee colaaduhu ragaadiyeen.
Sahan Post
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.