Puntland oo Qorshaynaysa Qabashada Shir Qaran Oo Dib Loogu Dhisayo Dawladnimada Soomaaliya

Siciid Cabdullahi Denni, Madaxweynaha Puntland

Garoowe (Sahan Post):- Iyadoo ay kor iskusii shareerayaan isbaahaysiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya, kuwaasi oo loogu diyaar garoobaya doorashooyinka soosocda ee lafilayo in la qabto 7 bilood ka dib, ayay Puntland qorshaynaysaa in ay xal u hesho dib udhiska dawladanimada Soomaaliya.

Hadaba madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisu qorshaynayso inay Magaalada Garoowe martigeliso shir looga arrinsanayo arrimaha dowlad dhiska Soomaaliya iyo xal u heliddiisa.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay inay Garoowe shir ugu qaban doonaan aqoon yahanka Soomaaliyeed si ay u keenaan fikrado ka duwan kuwa siyaasiyiinta huwan danaha gaarka ah, si xal looga gaaro arrimaha dowlad dhiska dalka Soomaaliya.

“Dowladda Puntland ahaan waxaan rabnaa inaan ka shaqayno sidii aan aqoonyahanada khibradda gaarka ah u leh dhiska inaan shir Garoowe ugu qabano oo bal Soomaaliya dowlad dhiskeeda waxa caqabada ku ah si cilmi ah loo baaro”, Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaasi ku daray,”Siyaasiga waa laga yaabaa damac kale inuu huwan yahay laakiin waxaan rabnaa caqligu inuu taliyo oo damaca iyo caaddifaddu aysan noqon waxa dadka hoggaamiya, dawrkaas waxaa laga rabaa aqoon yahanka Soomaaliyeed iyo culimada.”

Aragtidan ayaa ah mid ku cusub siyaasada dalka iyadoo inta badan aan laga qadarin fikradaha aqoonyaha iyo hogaanka dalka gudaha Soomaaliya, taas bedelkeeda waxaa awood badan leh isbaahaysiyada ku dhisan siyaasadaha gaarka ah nafciga dhaqaalaha

Sahan Post

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading