
Waxaa kasoo wareegtey labo bil iyo 28 casho markii duqeyn dhanka cirka ah lagu dilay Nabadoon Caan ka ahaa Puntland, gaar ahaan Gobolka Sanaag, Duqeynta ayaa waxaa sheegtay saldhiga Maraykanka ee AFRICOM isagoo aan wax faah faahin dheeri ah ka bixin magaca iyo xogta cida lagu dilay weerarka. Marka laga reebo in bartilaameedkoodu uu ahaa ruux hubka u iibin jirey Al-shabaab. Eedaas oo ehelka Nabadoonka iyo Al-Shabaaba ay Diideen.
Hadaba Puntland oo gobolka Sanaag maamusha ayaa duqeynta lagu dilay Nabadoon Cumar Cabdullahi si heer hose ah u maamushay tan iyo markii uu soo baxay warka geeridiisu, madaxweynaha dawlada Puntland oo xidhiidh gaar ah la lahaa nabadoonka ladilay wax tacsi ah xitaa kama dirin dilka nabadoonka, halka golaha wasiirada iyo xeer ilaalinta, Golaha wakiilada iyo Warbaahinta Puntland aya ka gaabsadeen inay weerarkaasi ka hadlaan, marka laga reebo tacsi uu bartiisa gaarka ah Facebook uu soo dhigay Gudoomiyaha Baarlmaanka Puntland Cabdirisaq Axme Saciid 48 saac dilkii Nabadoonka.
Wasiirka warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir iyo Afhayeenka madaxtooyada Jaamac Yuusuf Dabaraani oo looga bartay inay si deg deg ah uga warbaahinta ula wadaagaan duqaymaha Maraykanku ka gaysto Puntalnd, way ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dilka, halka warbaahinta afka dawlad Goboleedka Puntland ku hadasha haba yaraatee aanay wax ka qorin duqeynta nabadoonka, shirarka gaarka ah kula jiray ayaamo ka hor intaan la dilin hogaanka iyo madaxda Puntland Siciid Cabdullahi Denni iyo Cabdirisaq Axmed Said.
Naboon Cumar ayaa bishii sideed bilowgeeda kula kulmay Garoowe Gudoomiyahay Puntland halka isla dabayaaqadii bishaas uu labo jeer kula kulmay magaalada Boosaaso madaxweyne Siciid Denni.
Ku dhowaad sadex bilood ka dib ayaa warbixin hordhac ah lagusoo bandhigay Badhan, taasi oo lagu sheegay in nabadoonka la dilay wax denbi ah iyo gal-dacwadeed tooni ka oolin gudaha Puntland, isla markaasna uu ahaa nin nabada ka shaqeeya.
Laguma sheegin warbixinta cida ka danbaysay dilka, iyo sababta loo diley?
Kulankan waxaa ku koobnaa madaxda Gobolka Sanaag ee Puntland oo uu Weheliyey Suldaan Siciid Cabdisalaan oo ay aad isugu dhowyihiin Madaxweyne Siciid Cabdullahi Denni.
Golaha Wasiirada, Baarlamaanka iyo Saraakiisha sar-sare ee Puntland way ka maqnaayeen goobta. “Caaqilka waxaa laga dilay reer Sanaag, waxaana inuusan denbi gelin cadeeyey isla reer Sanaag, ma jirto meel ay dawlada Puntland madaxdeedu iyo masuuliyiinta ugu saraysa ay kaga hadleen xitaa in ay ka xunyihiin dilka Caaqilka ama tacsi ka diraan “ Sidaas waxaa ii sheegey Abdirahan Ibrahim oo ah ehelka Caaqilka.
Suldaan Siciid Cabdisalaan oo madasha Badhan ka hadlay ayaa isna sheegay in caaqilka lagu diley dulmi isla markaasina ay xaqiisii ka dalbanayaan cidii dishay iyo cidii gacan ka geystay dilkaasi. Ma cada xaqa Suldaanku uu sheegey cida laga raadinayo iyo in ay jirto meel si gaar ah uu Suldaanku ugu tuhmayo dilka Caaqilka oo aad ugu dhowaa Suldaanka.
Faysal Ahmed Mohamed “Wahaabi“ Oo Caaqilka ay isku beel hoose yihiin oo aad ay isugu dhowaayeen, ayaa illaa iyo hada ka hadal dilka Caaqilka, Sidoo kale ma jirto wax isu day ah oo uu kula xidhiidhay Dawlada Maraykanka iyo Saldhiga AFRICOM oo sheegtay masuuliyada Duqeyntaasi.
Eeda Federaalka iyo Iska dhego tirida Puntland
Wasiirka Difaaca ee Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa eeda dilka Caaqila dusha usaaray, maamulka Puntland mar u la hadlayey Golaha Aqalka Sare “Anagu in nin kaas Caaqilka ah la dilay waxaanu ka aragnay internet-ka waxba kalama socon dilkiisa, xogta iyo fududeynta hawlgalada ka dhaca maamul goboleedyada, waxaa masuuliyadooda la waydiinayaa maamul goboleedka laga fuliyey, hawlgalka“ Ayuu yidhi Axmed Macalin Fiqi
Puntland kama aysan jawaabin eeda loosoo jeediyey, Wasiir Warfaafinta Puntland Caydiid Diri oo ka jawaabayay eedaymo kale oo Wasiir Fiqi u jeediyay Puntland ayaa dhinaca iska dhigay eedii ahayd in Puntland ay gudbisay xogta lagu dilay Caaqilka, taasi oo abuuraysa shaki badan.
Waribixintii iyo cadaymihii lagusoo bandhigay shalayto magaalada Badhan lagumasoo daabicin Warbaahinta Dawlada Puntland, sida baraha bulshada ee madaxtooyada Puntland State House, Taliska booliska Puntland oo Warbixinta Daabacay, Wasaarada Warfaafinta iyo dhamaan ilihii ay ahayd in lagu faafiyo xogta dawladu Soosaartay.
Waxaan kaloo ogaaday in xalay goor danbe amar madaxweyne lagu siiyey TV-Puntland in uu sii daayo Warbixino shalay gelinkii hore loogasoo diray magaalada Badhan oo ku saabsanayd xafladii lagusoo bandhigay warbixinta hordhaca ah, shaqaalah TV-ga ayaa markii hore diidey in ay daabacaan iyagoo sheegay in aanay haysan ogolaansho ay kusii daayaan warbixintii Badhan lagusoo bandhigay.
Tani waxay sii abuuraysaa tuhunka iyo shakiga laga qabo lug intee le´eg ayay Puntland ku leedahay xogta fududaysay dilkii Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi Ibraahim, Dawlada Puntland weli si toos ah ugama jawaabi cabashooyinkii iyo mudaharaadyadii mudada bisha ah ka socday gobolka Sanaag kuwaasi oo lagu dalbanay in nabadoonku uu cadaymo heli.
Waxaa la filayaa in saldhiga AFRICOM uu soo saaro warbixin faah faahsan wixii ka danbeeya 14 december, ama bilowga Sanadka Cusub.
By Ahmed Mohamed Salah
Fiiro: Xogta iyo Aragtidu waxay gaar utahay qoraaga.
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.