
Badhan ( Sahan Post):- Warar laga helayo magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, ayaa tilmaamaya in xabsiga la dhigay saraakiil iyo shaqaale kale oo maamulka Soomaaliland uu usoo magcaabay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.
Saraakiishaan iyo shaqaalaha ayaa loo dhaadhiciyey xabsiga magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, Sida Sahan Post xogta ku heshay ugu yaraan 9 qof oo la la xidhiidhinaya maamulka Soomaaliland ayaa loo dhaadhiciyey xabsiga Boosaaso.
Shaqaalahan iyo saraakiishan ayaa la sheegay in ay abaabulayeen xaflad lagu taageerayo maamulka Somaliland, taasi oo lagu qaban lahaa iskuul ku yaal magaaladaas..
Dadka la xirxiray waxaa la sheegay in uu ku jiro taliyihii Somaliland ugu magacownaa Booliiska BadhanMaxamed Jaamac Geeli, Macalimiin Maxamed Siciid Xaaji iyo Cabdiraxmaan Ciise Cabdi, oo wax ka dhigi jirtey iskuulka xafladu ka dhici lahayd, Maxamed Cabdi Tulux, sawirqaade iyo dad kale oo xaflada qaban-qaabinayey oo uu kujiray nin oday ah oo lagu magcaabo Maxamed Xirsi Maxamed.
Maamulka Soomaaliland oo siyaasad ahaan qorshaynaya in uu Badhan ka jaro Sanaag ayaa maalin ka hor guddoomiyeyaal cusub u magacowday degmooyinka Badhan iyo Laasqoray, hase ahaatee waxaa la xaqiijiyay in aysan ku jirin dadka la xirxiray. Oo ay ka baxsadeen goobta inta aanay soo gaadhin askarti xidhay shaqaalaha kale.
Waxaa maamulka Somaliland uga furan xafiis ay ku shaqeeyaan duqa iyo ku xigeenkiisu magaalada Badhan.
Waa markii ugu horreysay inta la ogyahay oo ay Puntland tallaabo ka qaado dad xilal ugu magacaaban iyo kuwa taageersan maamulka Somaliland oo ku sugan gobolka Sanaag.
Sahan Post
info@sahanposts.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.