Wafdigii u Horeeyey Ee Golaha Mustaqbalka oo Gaadhay Kismaayo iyo Arimaha Doorashada Soomaaliya.

Kismaayo (Sahan Post):- Jubaland ayaa maanta soo dhawaysay wafdigii ugu horreeyay oo ka qaybgalaya shirka Kismaayo ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo lagu wado in uu furmo berri oo bishu ku beegan tahay 17 Diseembar.

Wafdiga Kismaayo gaaray oo uu hoggaaminayo xoghayaha Madasha Samatabixinta Maxamed Aadan Koofi waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiirka arimaha gudaha Jubbaland Maxamed Ibraahim Oogle iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka arimaha gudaha Jubbaland Maxamed Ibraahim Oogle ayaa sheegay in shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu furmayo berri oo ku beegan 17 bisha, islamrkaasna uu socon doono ilaa 20 bisha.

Ujeedada Shirka

Shirka Kismaayo ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa la sheegay in looga arrinsan doono dhammeystirka qaab-dhismeedka golahaas iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka.

Xubno ka tirsanaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku biiray xisbi lagaga dhawaaqay Turkiga, waxaana xubnahaas ka mid ah Cabdi Faarax Shirdoon, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Ololaha Doorashooyinka iyo Qorsha Federaalka

Ololaha doorashada Soomaaliya iyo Isbaahaysiygeeda ayaa cirka isku sii shareeraya, iyadoo siyaasiyiin tiro badan ay samaystay is xulafaysti iyo is-abaabul ay rabaan in ay ku hantaan xukunka dalka, halka xukuumada dalka gacanta ku haysana ay leedahay qorshe kale, iyadoo isku dayaysa wakhti dheeraysi ama inay qabato doorashooyin qof iyo cod ah.

Ma cada doorashada ka dhici doonta Soomaaliya sida ay noqon doonto, iyadoo aan weli la isku raacin hab doorashada 2026.


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading