Wasiir Gamaal oo Xilkii Wasaarada Ganacsiga Gala Wareegey Geesood.

Muqdisho (Sahan Post): –  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiirkii hore mudane Maxamuud Axmad Aadan (Geesood).
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka Cusub, in uu la yimaado, hufnaan shaaqo, isaga oo Alle uga baryay inuu u fufudeeyo Masuuliyadiisa, dhanka kalena waxaa uu ku amaanay Wasiirkii hore shaqadii wanaagsaneed ee uu soo qabtay Muddadii uu Joogay Wasaaradda.

Musharax madaxweyne Waqooyi Bari.

Gamaal ayaa Xukuumada Federaalka markii labaad ka qabtay xilka wasiirnino isagoo dawladan tii ka horeysey mudo xileedkeedii la dhamaystay halkaasi oo uu ka hayey wasaarada Qorshaynta, Maalgashiga iyo Xidhiidhka Caalamig.  Gamaal ayaa isu taagay xilka hogaanka Waqooyi Bari, balse ku guul daraystay, taasi oo la sheegay in ay dhaxalsiisay in Dawlada Federaalku la gashay wada hadal horseeday inuu maanta la wareego xilka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.
Dhanka kale Geesood ayaa aad iyo aad ugu ololeeyey in Dawlada Federaalka ah la gaadhsiiyo Gobolka Sanaag, balse taasi oo uu ku guul daraystay, markii uu ku qancin kari waayey reer Sanaag in ay wax ku darsadaan Sool. Geesood ayaa inta aan xilka laga qaadin wuxuu aad ugu ololeynayey xisbiga madaxweyne Xassan Sheikh.

Isbedbedelka Kursiga Golaha Wasiirada ee Sanaag.

Gamaal waa Wasiirkii saddexaad ee kasoo jeeda Gobolka Sanaag oo intii Xassan Sheikh uu madaxweynaha ka ahaa xukuumada loo dhiibo booska Sanaag. Waxaa 8 bilood ka hor xilka Wasiirka Dekedaha laga Qaaday Gen. Cabdullahi Ahmed Jama “Ilka Jiir`´ Iyadoo Wasii Maxamuud Geesood lagu badalay, halka Geesood maanta lagusi bedelay Gamaal Maxamed Xassan.
Sanaag ayaa kamid ah gobolada dib udhaca wayni kaga dhacay dhanka, siyaasada, horumarka iyo dhaqaalaha, iyadoo dhamaan illaha horumarka gobolku ay aad uga hooseeyaan marka loo eego gobolada kale ee dalka.
Sahan Post
info@sahanpost.com

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading