
Ankara (Sahan Post):- Wasiirka kalluumaysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa la saxiixday shirkadda OYAK ee dalka Turkiga dhaqangelinta heshiis la xiriira iskaashiga iyo horumarinta wax soosaarka badda oo ay hore ugu heshiiyeen labada dhinac.
Heshiiska ayaa la sheegay in uu Soomaaliya u horseedi doono maalgashi toos ah oo lagu sameynayo kaabayaasha dhaqaalaha buluugga ah, kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka si uu u gaaro suuqyada caalamiga ah, dhisidda warshadaha kalluumeysiga dalka iyo horumarinta xirfadaha kalluumaysatada Soomaaliyeed.
Saxiixa heshiiska oo ka dhacay xarunta shirkadda OYAK ee magaalada Ankara, waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah Cabdi Diirshe.
Dhanka Turkiga waxaa ka qaybgalay madaxda wasaaradaha gaashaandhigga, beeraha & kaymaha, arrimaha dibadda iyo guddoonka sare ee shirkadda OYAK.
Dawlada Turkiga iyo Shirkadeeha ayaa aad uga faa´iidaysanaya fursadaha dhaqaale iyo horumarineed ee ka jira dalka. Inta badan illaha dhaqaalaha ee Dalka sida madaarka iyo dekeda Muqdisho waxaa gacanta ku haya, dhaqaalahan maamula shirkado gaar loo leeyahay oo ka diiwaan gashan Turkiga.
Iyadoo aanay jirin dhanka Dawlada Federaalka ah wax isla xisaabtan iyo daba gal oo ku saabsan hawlaha ay ka fuliyaan shirkadahaasi dalka, dhaqaalaha kasoo gala meesha uu ku baxo iyo waxa ay dalka dib ugusoo celiyaan. Halka dhanka kale kumanaan ganacssato Soomaaliyeed ah dalka kala bexeen ganacsigoodii iyo hantidoodii iyagoo maal gashay wadamada deriska ah iyo dawlado shisheey, sababa la xidhiidha amniga dalka oo aad u hooseeya.
Soomaaliya ayaa leh bada ugu dheer qaarada Africa, oo la tuhunsan yahay inuu ka buuxo khayraad aan weli laga gun gaadhin, halka bulshada Soomaaliyeed badankooduna ay ku nool yihiin xaalad faqri iyo amni la´aan
Sahan Post
info@sahanpost.
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.