Warbixin+Sawiro:- Denni Oo Lagusoo Dhoweeyey Kismaayo iyo Shirka Golaha Muqtabalka Soomaaliya

Kismaayo (Sahan Post):- Madaxweynaha Puntland iyo madaxda Madasha Samatabixinta, oo ay ku jiraan raysal wasaarayaashii hore iyo siyaasiin kale oo caan ah, ayaa saaka ka degay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu ka furmi doono shir soconaya Saddex Cisho.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa doorashada hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya golahan oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Qaranka.

Sidoo kale, shirka ayaa si qoto dheer loogu falanqeyn doonaa xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka, xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo qorsheyaal la xiriira doorashooyin toos ah, kuwaas oo ay si cad uga horyimaadeen golahan iyo xubnaha ku bahoobay.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in shirkan uu yahay mid muhiim u ah jihada siyaasadeed ee dalka, maadaama uu kusoo beegmayo marxalad xasaasi ah oo ay taagan yihiin khilaafaad ku saabsan habraaca doorashooyinka iyo awood-qaybsiga siyaasadeed.

Shariif Sheekh Axmed oo haatan si KMG ah u hoggaamiyo mucaaradka ayaa isagu beri ka dagaya magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ah mucaaridka keliya ee aan ka qaybgaleynin shirkan, iyadoo indhaha lagu hayo go’aannada iyo mowqifka uu ka qaadan doono isbeddellada siyaasadeed ee ka dhalan kara shirka Kismaayo.

Waxaa la filayaa in gunaanadka shirka laga soo saaro warmurtiyeed rasmi ah oo ka tarjumaya go’aannada hoggaamineed, siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed ee golahaasi qaadan doono.

Sahan Post

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading