Sawiro+ Shaqaalaha Madaarka oo Ku Eedeeyey Shirkadda Favori Adoonsi

Muqdish (Sahan Post):- Shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Madaarka Muqdisho ayaa eedeeyay shirkadda Turkish-ka ah ee maamusha madaarka, Favori Airports, inay ku dhaqanto dhaqan gumaysi oo ay ka sheeganayaan. Shaqaaluhu waxay soo bandhigeen cabashooyin iyo mudaharaadyo, iyagoo shaqada joojinayay isla markaana kula hadlay saxaafadda afaafka hore ee madaarka.

Eedeymo la Xiriira Gumaysi iyo Xuquuq La’aan

Afhayeen u hadlay shaqaalahan ayaa sheegay in dhibaatooyinka ay la kulmaan ay u muuqdaan sidii gumaysi, isagoo tilmaamay in ay ku jiraan xuquuq la’aan iyo daryeel la’aan. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shaqaaluhu ay soo gaadhaan dhaawacyo iyo dhibaatoyin badan, laakiin aysan helin wax daryeel ah oo ku filan. “Mararka qaar waxaan kala garan la’nahay in aan gumaysi ku jirno iyo in kale,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay shaqaalahiisa.

Dumarka oo Laga Horistaagay Inay Uur Qaadaan

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in dumarka ka shaqeeya shirkaddaasi looga digay in ay uur qaadaan, isagoo sheegay in HR (Shaqaalaysiinta) lagu yiri, “Gabdhaha uur ma yeelan kartaan muddo shan sano ah, caday baan u haynaa taasi.” Ayuu ku daray afhayeenku

Cabashooyin Hore oo aan Waxba Laga Qaban

Tani ma aha markii ugu horeysay ee shaqaalaha shirkadani ay ka cabanayaan eex iyo daryeel la’aan. Bishii hore ee November, shaqaaluhu waxay soo gudbiyeen cabashooyin la mid ah kuwa hadda, laakiin wax badan laga qaban waayay. Shirkaddan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay isku dayday inay shaqaale Soomaali ah ku bedesho shaqaale ka yimid Uganda iyo Turkiga.

Eedeymo Cunsurinimo iyo ku Takrifal Awoodeed

Isla bishii November, madaxa maamulka shirkadda Turkish Airlines Turhan Kenmen ayaa lagu eedeeyay cunsurinimo iyo ku tagrifal awoodeed, kadib markii uu baraha bulshada Qabsaday musaafir Soomaliyeed oo diyaaradaasi laga reebay. Waxaa laga gudbiyay cabasho ka dhan ah isaga, isagoo lagu eedeeyay inuu masaafuriin badan ka reebay shaqaale Soomaali ah safar ay ku safri lahaayeen diyaarad Turkish Airlines, isagoo adeegsanaya awoodiisa. Xeer Illaalinta Qaranka ayaa dacwad ka soo oogtay, hase yeeshee ilaa hadda maxkamad lama soo taagin, faylkiisina lama furin.

Sahan Post waxay la xidhiidhey shirkadda Favori si ay uga bixiso jawaab ku saabsan cabashooyinka shaqaalahooda, hase yeeshee ilaa hadda wax jawaab ah kama helin.

Sahan Post

Yasir Mohamed

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading