Sahan Post waa madal warbaahineed oo madax-bannaan, ka tirsan shabakada Sahan Network Group. Waxay si joogto ah u daabacdaa wararka maalinlaha ah iyo warbixinno qoto dheer oo diiradda saaraya baaritaan iyo falanqayn saxafadeed oo dhammaystiran. Sahan waxay xooga saartaa tebinta wararka banii´aadantinimada, deegaanka iyo siyaasadaha geeska Africa. Himilada Sahan Post waxay ku salaysan tahay, siyaasad hufan, horumarinta xuquuqda aadanaha, xoojinta awoodda bulshada, iyo ilaalinta deegaanka.
Ka sokow warbaahinta, Sahan Network Group waxay kaloo u shaqaysaa sidii xarun fikir (think tank) oo u heellan dhisidda awoodda bulshada, kobcinta doodaha xog-ogaalka ah, iyo dejinta xalal wax ku ool ah oo lagu wajahayo caqabadaha taagan. Iyadoo isku darta falanqayn qoto dheer iyo aragti ku wajahan horumarka bulshada, Sahan Post waxay sii ahaanaysaa cod lagu kalsoonaan karo oo u adeegaya isla xisaabtanka, awood-siinta bulshada, iyo horumarka waara ee Geeska Afrika.
Nagalasoo xidhiidh:- info@sahanpost.com