Dilkii Naadirka Ahaa ee Afar Dumar ah oo hal Qoys Ah Lagu Dilay Galguduud, Soomaaliya

Galguduud, Soomaaliya – 9 Oktoobar, 2025:
Weerar naxariis-darro ah oo ka dhacay bartamaha Soomaaliya ayaa sababay geerida afar dumar ah oo hal qoys ka soo wada jeeda, taas oo kicisay caro iyo murugo ka dhex dhalatay bulshada gobolka Galguduud iyo geyiga Soomaalida.

Ilo deegaanka ah ayaa SahanPost u sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay habeenkii Arbacada, 8-da Oktoobar 2025, weerar ku qaadeen qoys ku nool tuulada Marcaayo, oo u dhow deegaanka Qaayib ee gobolka Galguduud. Dadka la dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen hooyo iyo saddexdeeda gabdhood, kuwaas oo reer guuraa iyo xoolo-dhaqato ahaa. Goob-joogayaal la hadlay SahanPost ayaa sheegay in haweenka si ula kac ah loo beegsaday sababo la xiriira aano qabiilk. Maleeshiyaadka weerarka fuliyey ayaa la rumeysan yahay inay doonayeen aargoosi la xiriira colaad qabiil oo ka jirta deegaankaas.

Odayaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid “aan hore loo arag,” iyagoo xusay in inkastoo colaadaha qabiilka ay muddo dheer ka jireen Soomaaliya, haddana dagaalladu inta badan rag ayey u dhexeyn jireen oo lama dili jirin biri magaydada. Dilkan ula kaca ah ee haweenka halka qoys lagu dilay ayaa argagax iyo murugo ku reebay bulshada, waxaana si weyn loogu cambaareeyay inuu yahay wax ka baxsanaa diinta, dhaqanka iyo dabciga banii´aadamka iyo bulshada Soomaaliyeed iyo xuquuqda aadanaha.

Hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka ayaa si adag u cambaareeyay falkan, waxayna ugu baaqeen maamulka Galmudug in ay si degdeg ah caddaalad u horkeenaan dambiilayaasha. “Falkan waa ka dhan bini’aadantinimada iyo dhaqankeena,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha. “Dilka haween aan waxba galabsan oo kaliya sabab qabiil awgeed waa wax aan la aqbali karin, horena udhicin, waana in mar dambe aanu dhicin.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dadka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey:

  • Sahro Artan Xirsi (hooyada)
  • Nuura Axmed Maxamuud
  • Xaawo Axmed Maxamuud
  • Faa’iso Axmed Maxamuud

Colaadaha ku saleysan qabiilka ayaa weli ah caqabad weyn oo ka jirta bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada xoolo-dhaqatada, halkaas oo khilaafaadka ku saabsan kheyraadka sida biyaha iyo daaqa ay mararka qaar isu beddelaan dagaal hubeysan.

Sahan Post


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading