
Ceergaabo: Sanaag, Somalia:- Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) ayaa ku wajahan magaalada Ceergaabo ee Gobolka Sanaag.
Safarka Ciro ayaa salka ku haya ka qaybgalkiisa ku aadan shir nabadeed oo degmada Ceergaabo ka furmaya dhowaan.
Shirkan ayaa gogoshiisa waxaa dhigay madaxweynaha maamulkaasi, si xal looga gaadho colaadihii dadku kaga qaxeen magaaladaasi, dabayaaqadii sanadkii 2024 kii. Colaadahaas oo ay ka dhasheen barikin dad kor udhaafaya 43000 oo qof.
Beelaha magaalada wada dega ayaa lafilayaa in laysugu keeno shirkan, oo dhowaan ka furmi doono magaaladaasi.
Sida la sheegay waxaa la qoondeeyey ergooyinka ergooyinka beelaha kala gedisan uga qaybgeli doono. Ergo ka timid Sanaagta Weyn ayaa gaadhay Ceergaabo. Ergadaas oo ahayd Ergo farsamo ayaa la sheegay in uu wakiishay Suldaan Siciid C/Salaan.
Wararka hor udhac ayaa sheegaya in Ciro uu tegi doono Ceergaabo, 16 bishan Oktoober, halka Suldaan Siciid laga yaabo inuu kasoo qaybgalo gebagebada shirka nabada Ceergaabo.
Dadka dhaliilsan shirkan ayaa ku eedeeyey ergada Sanaagta Weyn in ay hore xidhiidh ula lahaayeen maamulka Somaliland.
Maamulka Puntland ayaa Sanaag ku cadaadinaya in ay ka qaybgalaan shirka nabada, iyadoo la isticmaalayo calanka Somaliland. Puntland iyo Somaliland ayaa heshiis isku kaashi oo dano siyaasadeed ku galay Nairobi 5 tii Oktoober.
Soomaaliland ayaa saldhigyo military ka dhisatay dhanka Ceergaabo, si ay danaha degmadaasi uga illaashato. Ergooyinka iyo Waftiga metelaya Sanaagta weyn weli ma cadayn qorshaha uga degan, deegaamaynta iyo saldhigyada militari ee maamulkaasi ka dhisay dhanka galbeed ee magaalada Ceergaabo.
Si kastaba hadii shirkani uu furmo, oo ergooyinka loo qorsheyeyna ay kasoo qaygalaan, iyo dhamaan beelaha degmada wada dega, ayaan la saadaalin karin waxa kasoo bixi doona.

Xafiiska Wararka Sahan Post
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.