
Baydhabo (Sahan Post): Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta ka degay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo.
Wafdiga Aadan Madoobe waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Aadan, wasiir Mukhtaar Roobow, wasiiro ka tirsan dowladda, xildhibaanno ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka, siyaasiin iyo madax kale.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka, isagoo shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay midnimo iyo inay garab istaagaan dowladnimada. Siyaasyiin badan oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa aad ugu qulqulaya Baydhabo tan iyo markii ay dawladu ka saartay madaxweyne Lafta-Gareen
Sahan Post
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.