Trump oo baaq degdeg ah u diray Israa’iil kadib jawaabtii Xamaas

Madaxweynaha Maraykankan Donald Trump ayaa u sheegay Israa’iil inay si deg dega u joojiso duqaymaha magaalada Qasa ka dib ogolaanshaha heshiiska Nabadda ee kooxda Xamaas. Laakiin waaberigi hore ee maanta sabti ah waxaa laga maqlay Qasa qaraxyo dhowr ah.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israa’iil ay diyaar u tahay inay hirgeliso “wejiga koowaad” ee qorshaha Trump si loo sii daayo la haystayaasha, wuxuuna ballan qaaday inay “si buuxda ula shaqeyn doonaan Madaxweynaha iyo kooxdiisa si loo soo afjaro dagaalka.”

Sidoo kale bayaan ka soo baxay militariga Israa’iil ayaa lagu sheegay inay bilaabeen diyaar-garow buuxa si loo hirgeliyo wajiga koowaad ee qorshaha nabadeed ee uu soo jeediyay Donald Trump, kadib horumaradii ugu dambeeyay ee la xiriiray aqbalaadda Xamaas ee qaar ka mid ah qodobbada heshiiska.

War ay soo sareen kooxda Xamaas ee Falaastiiniyinta ayey ku sheegeen inay aqbaleen heshiiskii uu hindisihiisa lahaa madaxweyne Trump ee la doonayey in lagu soo afjaro colaada Qasa.

Bayaan ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay inay ogolaadeen sii deynta la haystayaasha Israa’iiliyiinta ee ay gacanta ku hayan “kuwa dhintay iyo kuwa noolba” kuwaas oo qeyb ka ahaa hindisaha nabada ee Maraykanka.


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading