
Muqdisho (Sahan Post):-Waxaa maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 15-ka Abriil, 2026, si rasmi ah u
dhammaaday muddo xileedka afarta sano ahaa ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Gollaha Shacabka iyo
Aqalka Sare), iyadoo dalku uu galay xaalad hubanti la’aan siyaasadeed ah.
Inkastoo uu dhammaaday waqtigii sharciga ahaa, Guddoomiyaha Gollaha Shacabka, Aadan Madoobe iyo xubnaha baarlamaanka dalka. Gudoomiyaha ayaa
dhowaan ku dhawaaqay in baarlamaanku uu hal sano oo muddo kordhin ah samaystay. Go’aankan ayaa salka ku
haya qorshaha dowladda federaalka ay ku doonayso inay dalka kaga hirgeliso doorasho qof iyo cod ah, taas la isku
khilaafsan yahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna uga hartay mudo-xileedkiisa 31 maalin, iyadoo aan muuqan dadaallo uu wado
oo doorasho ku qabanayo bisha May 15, 2026.
Xaaladdan ayaa ku soo aadaysa xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah
maamul goboleedyada, kuwaas oo horay u qaadacay isbeddellada dastuurka iyo qorshaha doorashooyinka ee
madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ku adkaysanaysa in muddo kordhintu ay tahay mid dastuuri ah, laguna
dhammaystirayo hannaanka doorashooyinka qaranka ee sanadka 2027-ka. Si kastaba ha ahaatee.
Ma jiro awood siyaasadeed oo weli is hortaagtey dawlada dhexe oo balaadhisay saamaynta ay ku leedahay siyaasada arimaha gudaha ee maamul goboleedyada, iyadoo dhowaan la wareegtey maamulka Koonfur Galbeed.
Sahan News Desk
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.