BBC-da ayaa ogaatay in dhexdhexaadiyayaasha dagaalka Gaza ay la xiriireen madaxa garabka militeriga Xamaas ee Gaza kaas oo cadeeyay in uusan aqbaleyn qorshaha cusub ee xabad joojinta.
Izz al-Din al-Haddad ayaa loo maleynayaa in uu u arkay qorshaha kii lagu soo afjari lahaa Xamaas hadii ay aqbalaan iyo hadii kale sidaa darteed waxay go’aansadeen in ay sii dagaallamaan.
Qorshaha ka kooban 20-ka qodob ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku doonayo in dagaalka lagu joojiyo kaas oo hore Israel ay u aqbashay ayaa lagu cadeeyay in Xamaas hubka laga dhigo iyo in aysan wax door ah ku yeelan doonin mustaqbalka maamulka Gaza.
Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasada Xamaas ee Dooxa ayaa ogol in isbeddal lagu sameeyo qorshaha balse saameyn weyn kuma lahan dadka lagu haysto Gaza.
Waxaa la rumeysan yahay in 48 weli ay ku jiraan gacanta Xamaas, waxaana la qiyaasayaa in 20 ay nool yihiin. Qorshaha heshiiska Trump ayaa dhigaya in Xamaas ay ku sii deyso dhammaan la haystayaasha 72-da saac ee ugu horeysa xabadjoojinta taas oo meesha ka saareyso awoodooda gorgortanka.
Sidoo kale madaxda Xamaas ayaa ka horjeeda in la keeno ciidmo Mareykan iyo dalalka Carabta ka socda kuwaas oo ay u arkaan in ay yihiin qaab cusub oo dhulka lagu qabsanayo.
Ilaa markii lagu heshiiyay qorshaha Isniintii, raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu wuxuu dib u riixay dhowr qodob.
Muuqaal lagu wadaagay barta X ayuu ku sheegay in militeriga Israel ay sii joogayaan qeybo ka mid ah Gaza iyo in Israel ay ka hortageyso dowlad Falastiin ah.
Xamaas hore ayey u sheegtay in aysan hubka dhigeyn ilaa inta laga dhisayo dal madaxbannaan oo Falastiin ah.
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.