Dowladda Soomaaliya oo beenisay iney Sweden la gashay heshiis qarsoon

Muqdisho-Dowladda Soomaaliya, oo ka jawaabaysa, heshiis qarsoodi ah oo warbaahinta Ekot ee dalka Sweden ay baahisay, 1 dii oktoober, ayaa diiday warbixintaas ay faafisay wakaalada wararka dadweynaha Sweden oo sheegaysay in saraakiil ku dhow xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya, hay´ada SIDA iyo Qeybta arimah Debeda iska kaashadeen Dowladda Sweden.

Heshiiskan oo ku saabsanaa sidii dadka aan sharciyada haysan iyo kuwa denbiyada ka galay Sweden ee u dhashay Soomaaliya. Dib loogusoo celin lahaa dalkooda.

Warbaahinta Sweden ayaa qortay in qorshahaas, uu xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku lug leeyahay, Soomaaliyana qaadatay ku dhawaad 10 Miyan oo doollar. Mashruucan ayaa la sii marsiiyey hay´ada UNDP isagoo toos loola xidhiidhiyey saraakiil xafiiska raysal Wasaaraha Somalia.

Dhaleeceyn weyn ayuu heshiiskani ka abuuray dalka Sweden, iyadoo su´aalo laga keenay siyaasada deeqaha debeda ee ay bixiyo hay´ada SIDA ee kaalmooyinka uqaabilsan Sweden. Sidoo kale hadalka ayaa yimid maalin ka dib safarkii Wasiirka difaaca Sweden oo hoos u dhigay u jeedkiisa socdaalkiisa.

Source: Sahan Post


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading