Taalo loo dhisay Caaqil Duqeyn Lagu Dilay

Ceelbuh, Sanaag: Deegaanka Jiicanyo ee degmada Ceel-buh ee gobolka Sanaag ayaa waxaa laga dhisay taalo, loogu talo galay nabadoon caan ka ahaa gobolka iyo deegaanada Soomaalida oo idil.

Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi Ibraahim, ayaa waxaa lagu diley duqeyn ka dhacday deegaanka Jiicanyo, 13 bishii sagaalaad ee ina dhaaftay.

Dilka Caaqilka oo cabsi iyo welwel weyn ku abuuray bulshada ayaan weli la cadayn sababa loo beegsaday, Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa qiray in ay duqeyn ka fuliyeen agagaarka lagu dilay Caaqilka, iyagoo sheegay in bartilmaameed koodu hadaa nin hubka u gadi jiray ururka Al-Shabaab.

Dawlada Maraykanku wax faah-faahin ah kama bixin duqeynteeda oo ay sheegtay in ay ku fulisay taageero ay ka helaysay dawlada dhexe iyo ciidanka qaranka Soomaaliya, AFRICOM ma daabicin magaca iyo cida ay bar tilmaameedsatay.

Dawlada Puntland iyo Dawlada dhexe ee Soomaaliya toona kama aysan hadlin duqeyntaas iyo dilka Caaqilka toona. Ma sheegan iskamana fogeyn duqeynta lagu dilay Caaqilka, sidii loo bartay duqeymihii ay hore ufuliyeen Maraykanka, iyadoo ay u kala tartami jireen dawlada dhexe iyo maamul goboleedyadu masuuliyada iyo magaca hawlgaladaasi.

Cali Cabdillahi Cabdi oo la dhashay Caaqilka la dilay ayaa sheegay in taaladan ay u taagan tahay in aan la illaawin Caaqilka iyo doorkii uu ku lahaa nabadaynta bulshada, sidoo kale waxaa Cali sheegay in ay ceel biyood waqaf ah ka samayn doonaan isla goobtaasi.

Warbaahinta, caalamka iyo tan maxaliga ah ayaa wax badan ka qoran dilka Caaqilkan oo noociisa aan hore loogu arag geyiga Soomaalida, mase jirto weli wax sheegi kara sababta loo beegsaday.

Sahan Post.


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading