Warbixin Dhamaystiran: Heshiiska Qarsoodiga ah ee u Dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden

Hay’adda wararka ee Ekot ee dalka Sweden ayaa bilowgii bishan soo bandhigtay xog kicisay dood siyaasadeed iyo mid bulsho oo baahsan, kadib markii ay daaha ka qaaday heshiis qarsoodi ah oo la sheegay inuu dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Sweden. Heshiiskan ayaa lagu sheegay inuu ku kacay dhaqaale dhan 100 milyan oo karoonka Iswiidhan ah, oo u dhiganta qiyaastii 12 milyan oo doolar Maraykan ah (USD).

Sida ay sheegtay Ekot, heshiiskan waxaa la saxiixay sanadkii 2023 bishii december iyadoo ay ku lug lahaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Qeybta Arrimaha Dibadda ee Dowladda Sweden, Hay’adda SIDA (Swedish International Development Cooperation Agency), UNDP (Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay) Wakaalada Socdaalka ee Sweden.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in heshiiskan uu la xiriiray barnaamij dhaqaale oo lagu taageerayo Soomaaliya, balse ujeedkiisu si dadban ugu xirnaa siyaasadda khasab dib-u-celinta qaxootiga Soomaalida.

Hay’adda Ekot ayaa baadhitaan ku waday arrintan tan iyo Disembar 2023, iyadoo sheegtay in helitaanka dukumeentiyada rasmiga ah uu aad u adkaa, xog aad u koobana lala wadaagay, maadaama dukumeentiga la masaxay ama laga dhigay kuwo aan la heli karin. Si kastaba ha ahaatee, hay’addu waxay ugu dambayntii heshay caddeymo muujinaya in heshiisku dhab ahaa, inkastoo uu si hoose u socday.

Waxaa kale oo Sahan Post fahansan taya in wasiirka Socdaalka Sweden, oo xooga saaraya siyaasad lagu xadidiyo soo galootiyo, uu door muhiim ah ku lahaa diyaarinta heshiiskan, iyadoo la sheegay in mashruuca uu qayb ka ahaa qorshaha lagu dhimayo tirada dadka magangelyo-doonka ah ee Sweden, dibna loo celiyo tiro badan oo aan sharciyo ku lahayn wadanka.

Markii Ekot la xiriirtay Wasiirka Deeqaha Caalamiga ah ee Sweden, Benjamin Doussa, wuxuu qiray jiritaanka heshiiska, balse ku dooday in ujeeddada laga lahaa e ahayd taageero lagu xoojinayo siyaasadda dib-u-celinta qaxootiga. Wuxuu sheegay in lacagta ay bixiyeen, Qeybta Arrimaha Dibadda, Hay’adda SIDA, Safaaradaha Sweden ee Kenya. Heshiiskan waxaa saxiixay wasiirkii hore ee Deeqaha Caalamiga ah Johan Forssell oo iminka wasiir ka ah wasaara socdaalka Sweden.

Dhanka kale, hoggaanka SIDA oo ka gaabsaday dhaleecaynta, ayaa sheegay in deeqaha oo dhan ay maraan nidaamka rasmiga ah, oo dawladu ansixiso.

Shaqaale ka tirsan SIDA oo si hoose ula hadlay Ekot ayaa qiray jiritaanka heshiiska, isagoo yiri: “Ogolaanshaha deeqaha waxaa ka masuul ah dowladda, SIDA-na ma bixiso dhaqaale aan dowladda la socon.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay jiritaanka heshiiskan, iyadoo sheegtay in aysan wax heshiis qarsoodi ah la galin Sweden oo ku saabsan dib-u-celinta qaxootiga ama taageero dhaqaale oo qarsoodi ah.

Si kastaba, Ekot waxay la xidhiidhay UNDP oo la sii marsiiyay lacagta mashruuca ayaa qiratay in heshiiska uu jiray, waxayna war qoraal ah ku sheegeen in:
“Mashruucan wuxuu raacayaa nidaamka caadiga ah ee mashaariicda Qaramada Midoobay, lacagtaana loo isticmaalay ujeeddooyinkii loogu talogalay.”

Xogta la helay waxay muujinaysaa in wejigii koowaad ee mashruuca la bixiyay 4. milyan USD, halka wejigii labaad la bixiyay 6 milyan USD — taasoo wadarta guud ka dhigaysa 10. milyan USD ilaa hadda.

Heshiiskan qarsoodiga ah ee u dhexeeya Sweden iyo Soomaaliya ayaa noqday mid dhalinaya muran siyaasadeed iyo mid sharci ah oo xoog leh. Dhanka Sweden waxaa ka socda cadaadis siyaasadeed iyo su’aalo laga keeno daahfurnaanta dowladda iyo sida lacagta deeqaha loo isticmaalay. Dhanka Soomaaliya, waxay xukuumaddu diidan tahay in heshiis noocan ahi uu jiro, taas oo sii adkaynaysa xaqiijinta runta arrintan.

Sahan Post


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading