Madax Puntland ah oo Diidey Sheegashadii AFRICOM ee dilka Nabadoon

Bidix, Taliyayaasha, Booliska, Daraawiishta, Gud. Gobolka, iyo Sirdoonka.

Badhan, Sanaag, (SahanPost):- Madax iyo saraakiil sar sare oo katirsan maamulka Puntland ayaa iska foogeeyey sheegashadii militaraga-maraykanka ee ay ku dileen caaqil caan ka ahaa gobolkaas.

Nabadoon Cumar C/laahi ayaa 13kii bishii 9aad lagu duqyn lagu dilay meel u dhexeysa Ceelbuh iyo Badhan. AFRICOM ayaa 17-kii bishii 9 aad, sheegtay in ay aagaas ka fulisay duqeyn ay la beegsatay, waxay ugu yeedhay Ruux hubka u gadi jiray Al-shabaab“.

Al-shabaab ayaa iska fogeysey sheegashada AFRICOM. Tani oo aad uga duweysa duqeymaha AFRICOM kuwii ay hore uga fulin jireen Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, taliyaha ciidanka Daraawiishta, taliyaha booliska iyo kan sirdoonka Gobolka oo la hadlay warbaahin heer caalami ah, oo booqatay gobolka iyadoo xaqiiqo raadin ku samaynayey dilkii caaqilka. Masuuliyiintan ayaa diidey eedaymaha AFRICOM ay u jeedisay Nabadoonka.

Siciid Ahmed Ciyoon, gudoomiyaha gobolka Sanaag, Gen. Cabdullahi Cumar Cashuur, taliyaha booliska Aadan Ahmed Ali iyo Taliyaha Sirdoonka gobolka Feysal Abdullahi, ayaa cadeeyey in Caaqilku uu ahaa masuul caan ka ah gobolka, noloshiisana ka shaqaynayey nabada iyo xasilinta umada Soomaaliyeed, isla markaasna aanu wax xidhiidh ah lahayn kooxaha islaamiyiinta ee ka dagaalama geeska Africa.

Masuuliyiintaan ayaa ka dalbay dawlada maraykanka iyo AFRICOM cadayn buuxda, sababta loo beegsaday caaqilka.

Tan ayaa kusoo aadaysa iyadoo bulshada caaqilku hogaaminayay ay taalo uga dhiseen aagii lagu dilay Nabdoon Cumar.

AFRICOM oo labaatankii sano ee udanbaysay duqeymo dhanka cirka ah ka fulisay Soomaaliya, ayaa hay´adaha xuquuqul insaanku ku eedeeyeen in ay ku laysay shacab tiro badan hawl galadooda.

Dadka deegaanka iyo masuuliyiinta Puntland ayaa sheegashadaas diiday, iyagoo cadeeyey qofka duqeynta lagu dilay in uu ahaa Nabadoon aad geyigaas looga yaqaaney, oo aan wax denbi ah, hore ugelin, kuna jirin liisaska dadka lagu raadjoogo ama dabagalku lagu hayo.

Dilka noocan ah, ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee lagu beegsado masuul dhaqan isagoo keligiis ukala safrayey deegaamada Badhan iyo Ceelbuh ee uu hogaanka bulshadaasi u ahaa.

AFRICOM ayaa baadha hawlgalooda ay ku wax yeeloobaan dad aan waxba galabsan, mudo 90 cisho gudohood ah, balse aan weli wax magdhow ah ka bixin, kiisaska ay ka fulisay Soomaaliya oo tobonaan shacab ah lagu laayey.

Madaxda iyo Warbaahinta Dawlada Federalka Soomaaliya (DFS) iyo tan Puntland oo u kala tartarmi jirey weerarada noocan ah ee ay fuliyaan, Maraykanka, ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan weerarka lagu dilay Nabadoonka. Tan oo shaki kale abuurtay, ku keli ahaan shaha AFRICOM ee sheegashada masuuliyadan iyadoo kaashanaysa Ciidanka DFS.

Sahan News Desk


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading