Mogadisho (SahanPost): Dawlada Sweden ayaa cutub ka tirsan ciidankeeda gaarka ah u dirtay dalka Soomaaliya, si ay gacan u siiyaan dawlad kale oo kawada Soomaaliya hawlgalo ka dhan ah ururka al-Shabaab.
Cutubkan Sweden dirtay oo la sheegay in ay ka kooban yihiin 15 qof ayaa waxay ka tirsan yihiin waaxda denbi baadhista iyo dabagalka denbiyada ee Hay´ada Sirdoonka. Ujeedkooda ayaa ah sidii ay u baadhi lahaayeen qaraxyada, una diiwaan gelin lahaayeen xogta qaraxyada iyo DNA-ga laga qaado goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan.
Maraykanka ayaa la sheegay in uu dalbay cutubkaan khaaska ah, si ay uga faa´iidaystaan khibradooda dhanka baadhista iyo dabagelista denbbiyada. Sida ay daabacday majalada Expressen.
Dawlada Sweden ayaa qarisay hawlgalka ciidankan, illaa ay warbaahintu soo bandhigtay, sababta dawladu uqarisay ayay ku sheegtay si loo illaaliyo bedqabkooda.
Expressen oo su´al ka waydiiyey arinkan Raysal Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson, ayaa ku jawaabay, in ciidankan caawinayaan Soomaaliya, sidoo kale danta Sweden iyo reer Yurub oo dhan, “Maadaama ururada argagixisadu ay aad is fidinayaan, waan in aan ka hortaagnaa“ Ayuu hadalkiisa kusoo koobay Kristersson.
Arintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo wasiirka gaashaandhiga Sweden Pål Johnsson uu booqasho aan hore loo sii shaacin ku tegey usbuucii hore magaalada Muqdisho, isagoo la kulmay saraakiil katirsan Dawlada Federaalka, khaasatan wasaarada Gaashaandhiga.




Sahan News Desk
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.