Hassan Shiikh oo Safar Dhuumasho ah ku Tegey Addis-Ababa

Nov 12(SahanPost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saaka waaberigii hore gaaray magaalada Addis Ababa, caasimadda dalka Itoobiya.

 

Safarka Madaxweynaha ayaa ahaa mid si weyn loo qariyey, iyadoo aysan jirin mas’uuliyiin dowladeed oo safarkiisa ku wehelinayey. Wararka la helayo waxay xaqiijinayaan in Madaxweyne Xasan uu ku tegay diyaarad gaar ah, waxaana la socday Kaaliyihiisa gaarka ah, Madaxa hab-maamuuska Madaxtooyada, iyo ciidan yar oo ilaalo ah.

Sidoo kale, ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa aan la ogeysiin safarkan, taasoo muujineysa heerka sirta iyo muhiimadda uu leeyahay socdaalkan.

Markii uu gaaray garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa, Madaxweynaha waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, waxaana haatan labada dhinac u socda kulamo gaar ah oo aan faahfaahintooda si rasmi ah loo shaacin.

 

 

 

 

 


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading