Hadaaftimo (SahanPost): Wasiiro iyo Saraakiil ka socota xukuumada Puntland ayaa gaadhay magaalada Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag. Ujeedada Safarkooda ayaa ahayd sidii ay xadhiga uga jari lahaayen ceel biyood, dhowaan halkaasi laga hirgeliyey.
Wasiirka Caafimaadka, Siciid Qoorsheel, Wasiirka Macdanta, Liibaan Muuse, wasiir ku xigeenka Ganacsiga C/Kariim Gufure, gudoomiyaha Gobolka ayaa ka mid ahaa madaxda ceelbiyoodkaas xadhiga ka jaray.
Saraakiishan ayaa kusoo laabtay iyagoo la kulmay Suldaan Siciid, booqasho kalena ku tegey Jaamacada Umada Faraceeda Sanaag.
Wasiir Qoorsheel oo mar uu ka hadlayey heshiis ay Puntland iyo Somaliland ku galeen magaalada Nairobi, faah faahin ka bixiyey ayaa warkiisa kusoo koobay in ay nabad qaateen “Wax aanan nabad ku helayn colaad ku heli mayno, nabada ayaanu qaadanay oo arinka Ceergaabo kow ka hayahay“. Marka laga yimaado nabada Ceerigaabo, Qoorsheel kama uusan hadlin mawqifkiisa siyaasadeed iyo masiirka juqraafi iyo mustaqbal ee ee gobolka Sanaag oo isagu ku uu metelo Puntland.
Gobolka Sanaag ayaa dhanka horumarka iyo kaaba yaasha dhaqaale, ka danbeeya dhigiisa gobolada kale ee dalka, siyaasyiinta gobolka metala ayaan laftoodu haynin hal abuur weyn oo dadka iyo deegaamada ay ku horumariyaan, marka laga reebo tiroba dhowr booqasho oo isdaba joog ah oo ay saraakiishasi ku tageen gobolka.
Sahan News Deska


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.