Dagaalyahan Daaish oo isku dhiibay ciidanka Puntland.

Al-Miskat, Bari, Soomaaliya – (SahanPost):

Dagaalyahan looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda argagixisada Daacish (IS), islamarkaana la rumeysan yahay inuu u dhashay dalka Suuriya, ayaa maanta isku dhiibay ciidanka amniga Puntland ee ka howl-galaya buuraleyda Al-Miskat ee gobolka Bari, waqooyiga Soomaaliya.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland, ninkan ayaa isku dhiibay kadib markii ay ku adkaatay nolosha adag ee dhulka buuraha ah. Wuxuu sheegay in gaajo iyo harraad xooggan ay ku qasbeen inuu is dhiibo.

Saraakiishu waxay intaas ku dareen in ninkan uu sheegay inuu horey ula socday laba dagaalyahan oo kale kuwaas oo diiday inay is dhiibaan, baqdi awgeed.

Is dhiibiddu waxay dhacday xilli ay socdeen hawlgallo ciidan oo ka socda deegaanka Il-Abbal, oo ah goob ceel biyo leh oo muhiim ah, halkaas oo ciidamada Puntland ay aroornimadii hore ka bilaabeen weerar qorsheysan. Wararka milateriga ayaa sheegaya in hawlgalka lagu bartilmaameedsaday goob lagu tuhunsan yahay inay ku dhuumaaleysanayeen saraakiil sare oo ah, oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Faahiye, kaas oo la rumeysan yahay inuu yahay ku-xigeenka hogaamiyaha kooxda ee gobolka.

Ciidamada Puntland ayaa xaqiijiyay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta goobtii uu dagaalku ka dhacay, iyadoo aan ilaa hadda la soo sheegin wax khasaare ah.

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa muddo sanad ka badan ku waday howlgallo ka dhan ah dagaalyahanada Daacish ee ku sugan buuraha adag ee gobolka Bari. Howlgalladan ayaa sababay in la qabto xarumo muhiim ah oo ay kooxda ku lahayd halkaas, isla markaana la jaro marinadii saadka ee ay adeegsan jireen.

Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegay in hawlgalladu sii socon doonaan ilaa la burburiyo dhammaan saldhigyadii kooxda iyo khatarta ay ku hayaan ammaanka gobolka.

Sahan News Desk


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading