Gudiga Doorashooyinka DFS oo Mudeeyey Wakhtiga Doorashada Soomaaliya

Abdirashid Ahmed, Gud.Gudiga Doorashooyinka DFS.

Muqdisho (SahanPost):– Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa shaaca ka qaaday in dhamaadka bishan Novembar ee sanadkan 2025 magaalada Muqdisho la qaban doono doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cabdikariin ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho in looga baahan yahay u diyaar garowga sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen doorashada golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha guddiga ayaa sidoo kale xusay iney gobolka Banaadir ay iska diiwaan galiyeen dad ku dhaw hal Milyan oo ruux, islamarkaana haatan howlaha diiwaan galinta laga bilaabay degmooyinka Laascaanood iyo Xudur oo ka kala tirsan maamulada  Khaatumo iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ma cada in doorashooyiska baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya la marsiin doono habka doorashooyinka uu ku dhawaaqay Cabdikariim, hase ahaatee waxaa hubanti ah in ay jidda u aaxaadhi doonaan, habka madaxda DFS ay wax u doonayaan.

Sahan News Desk

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading