Itoobiya oo Qorsheynaysa Dhismaha Tamarta Nukliyeerka

Addis-Ababa (SahanPost):- Golaha Wasiirrada Itoobiya ayaa ansixiyay xeer cusub oo dhisaya Guddiga Korontada Nukliyeerka ee dalka Itoobiya intii lagu guda jiray fadhigii 49-aad ee joogtada ahaa.

Xeerkan aya loogu talagalay inuu hage iyo isku dubarid u noqdo isticmaalka nabdoon ee tiknoolajiyada nukliyeerka Ethiopia si waafaqsan habraacyada caalamiga ah.

Guddigu wuxuu yeelan doonaa awood uu ku hoggaamiyo oo ku kormeero adeegsigga cilmiga nukliyeerka ee dhinacyada ay ka mid yihiin: dhalinta korontada, horumarinta warshadaha, amniga cuntada, caafimaadka, iyo cilmi-baarista iyo hal-abuurka sayniska.

Bishii Sebtembar, Itoobiya iyo Ruushka ayaa saxiixay qorshe hawleed lagu horumarinayo mashruuca korontada nukliyeerka ee Itoobiya, taasoo qayb ka ah wadashaqeyn ballaaran oo laga wada hadlay intii lagu jiray booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed ee Moscow.

Heshiisku wuxuu tilmaamayaa tallaabooyin wax ku ool ah oo wada-shaqeyn ah oo u dhaxeeya Rosatom iyo Shirkadda Korontada Itoobiya si loo dhiso warshad koronto nukliyeer ah oo Itoobiya ku taal.

Sahan News Deska

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading