
Waqdariye (SahanPost):- Ciidamo ka amar qaata Maamulka Soomaaliland ayaa maanta gelinkii hore weerar kusoo qaaday, meel u dhexeysa Waqdariya iyo Shidan iyadoo dadka deegaanku ay iska difaaceen weerarkaas.
SahanPost oo la xidhiidhay goobta dagaalku ka dhacay ayaa ogaatay in khasaaruhu uu aad u kooban yahay, isla markaasna inta la hubo labo ruux ay ku dhaawacmeen, mid kamida dhaawaca ayaa ka mid ahaa kooxdii weerarka soo qaaday, oo ay kaga tageen halkii weerarku ka dhacay. Halka dhanka dadka deegaanka uu hal ruux ku dhaawacmay.
Dadka deegaanka Waqdariya iyo Shidan ayaa sheegay in ciidamadan ay ka amaqar qaataan Somaliland, iyadoo wararka aagaasi nagasoo gaadhaya ay sheegayaa in Ciidamada Somaliland ee ciidanka bada saldhiga Meydh ay qayb ka noqon karaan dagaalkan.
Dagaal khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa 2019 kii ka dhacay isla goobta maanta u udagaalku ka dhacay, iyadoo maleeshiyoonka dagaalka soo qaaday ay isku dayeen inay deegaamayn iyo isku fidin ku sameeyaan aaga Shidan iyo Waqdariyo.
Somaliland ayaa nabad ugu baaqday bulshada Sanaag, iyadoo ergo Sanaagta weyn ka baxday ay ku sugan tahay si looga wada hadlo nabada Ceerigaabo, balse isla maamulkaas ciidamo ku mushahar qaata, ayaa dhanka kale dagaal kula jira bulshada gobolka Sanaag.
“Dalriixsi iyo isfidin weeyaan, dagaalkani, wax aanu aqbali karno maaha, ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay SahanPost.
Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in odayaal iyo ergo nabadeed ay ka bexeen deegaamada Ceergaabo iyo Badhan si colaadas loo qaboojiyo.
Colaado ayaa iskeed u qabowdey gelinkii danbe ee maanta, iyadoo aan la filan karin xaalka sida uu ku danbayn doono.
Sahan News Desk
Info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.