Tobaneeyo akoonno baraha bulshada ah oo iska dhigaya inay yihiin Muslimiin, Soomaali saamayn leh iyo dadka dharka xayeysiisa ayaa baaritaan ay BBC-du samaysay waxaa lagu ogaaday inay faafinayeen warar borobogaando siyaasadeed ah.
Ruqiyo oo sawirkeeda laga qaaday iyadoo dhoolla-caddaynaysa, islamarkaana xiran Cabaayad buluug khafiif ah iyo Xijaab caddaan ah, ayaa si firfircoon uga dhex muuqata baraha bulshada ee X, TikTok, iyo Facebook. Waxay inta badan soo dhigtaa farriimo muujinaya sida ay dalkeeda, Soomaaliya u jeceshahay.
Laakiin haweeneyda sawirka ku jirta magaceedu ma aha Ruqiya. Markii BBC-du la xiriirtay qofka saxda ah oo ah saameeye nolosha ah balse dooratay in aan magaceeda la shaacin — waxay la yaabtay arrinta, waxayna sheegtay inaysan horey u arkin akoonnadaas.
“Anigu ma ihi qofkaas. Sawirradeyda ayaa la isticmaalayaa, mana awoodo inaan wax ka qabto dadka iska kay dhigaya aniga,” ayay tiri.
Waxay ka mid tahay dhowr dumar ah oo sawirradooda si qarsoodi ah loo adeegsaday iyagoo aan waxba ka ogeyn, si loogu faafiyo borobogaando la xiriirta Soomaaliya, Suudaan, iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.