
Ceerigaabo (Sahan Post):- Waxaa magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ka furmay shirka nabada beeladaha wada dega degmadaasi 21-10-2025. Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen ergooyin kala gedisan oo isaga kala yimi gobolka iyo deegaamo kale.
Wefti dhaqameed uu hogaaminayey Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa shalay gaadhay magaaladaasi, weftiga Suldaanka ayaa waxaa ka mid ah ahaa, Suldaan Maxamed C/laahi Cartan, Islaax Xuseen X. Cabdi, Caaqil Maxamed Warsame Sugule, iyo isimo kale oo kala metelayey beelaha dega Sanaagta Weyn.
Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliland iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa soo gaadhay magaalada Ceerigaabo shalay gelinkii, si ay qayb uga noqdaan shirkan.
Ergooyinka ayaa gaar gaar isula kulmay xalay, iyadoo dhinac kasti usii diyaar garoobayey furintaaka shirka iyo ajendayaashiisa.
Ujeedka shirkan ayaa ah sidii nabad loogusoo dabaali lahaa beelaha magaaladaasi, wada dega oo colaadi ka dhex qaraxday dhamaadkii sanadkii tegey, colaadaasoo barakicisay ku dhowaad 43000 oo qof. Sida ay sheegtey UNHCR.
Shirkan ayaa wuxuu socon doonaa mudo saddex cisho ah iyadoo la soo gebagebayn doono maalinta jimcada ah.
SahanPost oo la xidhiiday xubno ka qaybgelaya shirka ayaa ogaatay in shirka maalinta jimcada ah lagu soo xuli doono ergooyinka metelaya beelaha kala gedisan, intaas ka dibna laga wada hadli doono qodoba nabada iyo wada noolaanshaha bulshooyinkaasi.
Arimaha xuduudeynta iyo xakamaynta deegaamaysiga, saldhigyada military ee Soomaaliland aagaasi ka hirgelisay colaadi ka dibo, Soo ceelinta dadkii barakacay, dhac iyo boobkii loo gaystay hantidii, iyo bulshadii rayidka ahayd ee magaalada deganayd intii colaadu socotey iyo dhibaatooyinka kala gaadhey, beelaha labada dhinac ayaa ah qodoba ugu muhiimsan oo lagaga hadli doono.
Sahan Post ayaa fahansan in shirkan aad isha loogu hayo, iyadoo ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadee oo ku lamaan heshiiska beelaha dirirtu ku dhexmartay Ceerigaabo.
Macada weli sida laga yeeli doono siyaasada magaalada Ceerigaabo oo maamul ahaan ay Soomaaliland gacanta ku hayso hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in awood qeybsi laga gaadhi doono habka hogaanka siyaasadda iyo amniga degmadaasi.
Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Sahan Post.
Sahan Post News Desk
Info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.