
DJabuti: (SahanPost): -Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu todobaadkii la soo dhaafay uu qaaday tallaabo hadal hayn weyn ka abuurtay baraha bulshada ee dalkaas taas oo ahayd in uu meesha ka saarayo xeerkii xaddiday da’da laga doonayo qofka madaxweyne dalkaas ka noqonaya.
Baarlamaanka dalkaas oo kulan yeelanaya Axada ayaa guud ahaanba la filaya in ay meesha ka saaraan qodobka xaddiday in Ismaaciil Cumar Geelle uu mar kale isu soo taago doorashada la filayo in dalkaas looga dareero badhtamaha sannadka soo socda ee 2026-ka.
Xeerkan cusub ayaa dhigaya in madaxweynuhu uu sii wadan karo tartankiisa doorashada kaas oo soo taxnaa 26-kii sano ee la soo dhaafay isaga oo da’diisu hadda tahay 77 sanno.
Dastuurka dalkaasi ayaa dhigaya in qof ka weyn 75 sanno aanu isu-soo sharrixi karin madaxweyne.
Mucaaridka dalkaas oo aan awood muuqata ku dhex lahayn gudaha Djabouti ayaa si weyn uga qayliyey arrinkaas waxayna ku tilmaameen in uu yahay gef lagula kacay bulshada reer Jabuuti.
Alex Maxamed Geeldoon oo hore u ahaa la taliyaha madaxweynaha Jabuuti haddana ku biiray dadka mucaaridka ah ee sida weyn u diiddan siyaasadda madaxweyne Geelle ayaa si weyn uga soo hor jeestay in madaxweyne Geelle uu mar kale isa soo sharraxo isaga oo gaashaanka u daruuray qodobka wax laga beddelay ee Dastuurka ku qornaa.
Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu Jabuuti soo xukumayey tan iyo 1999-kii, waxana uu mar walba ku guulaysanayey codad aad u badan iyada oo aanu jirin xisbi muuqda oo la tartama xisbiga dalkaas awoodda ku leh ee RPP.
Sidoo kale, madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si weyn uga shaqaynaya in Baarlamaanka dalkaasi ay bisha soo socota meel mariyaan xeerar uu ku sii kordhinayo awooddiisa kuwaas oo meesha ka saarayo qodobo Dastuurka hore ugu jirey
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.