Itoobiya oo Qunsul cusb usoo magacawday Puntland oo gaaray Garoowe

Garowe (Sahan Post):-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacowday PuntlandMajor General Tagesse Lambamo Dimbore.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada amaanka, ganacsiga, iyo arrimaha xiriirka diblomaasiyadeed.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhoweeyay qunsulka cusub, isagoo sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wada shaqayn buuxda oo dhex marta labada dhinac, si loo sii adkeeyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee deriska ah.

Dhankiisa, Qunsulka cusub ee Itoobiya, Major General Tagesse Lambamo Dimbore, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo shacabka Puntland soo dhoweynta diirran, isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta iskaashiga labada maamul.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland iyo masuuliyiin ka socday xafiiska qunsuliyadda Itoobiya ee Garoowe.

Sahan News Desk

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading