Dawlada Federaalka oo Dardar Gelinaysa Ololaha Diiwaan Gelinta (Sawiro)

Cadale (Sahan Post):- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Masuuliyiinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan degmada Cadale ayaa si rasmi ah ugu daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Cadale ee Gobolkaas.

Guddiga iyo maamulka degmada Cadale ayaa ugu baaqay bulshada degmada iyo deegaannada hoos yimaada inay ka qeyb galaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay codkooda u dhiibtaan xilliga doorashada, taas oo ah xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin.

Sahan News Desk

info@sahanpost.com

 


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading