Jaaliyada Maakhir Sweden oo Soo Dhoweysey Xildhibaano Ka Socda Baarlamaanka Puntland

Stockholm (Sagan Post):- Jaaliyada reer Maakhir ee wadanka Sweden ayaa magaalada Stockholm kusoo dhoweysey Xildhibaan iyo sarkaal ka socdeyc dawlada Puntland.

Wafdigan oo hawlo shaqo iyo xirfad iswaydaarsi dhanka baarlamaana ah ku maraya wadamada Sweden iyo Norway ayaa caawa Cashar Sharaf loogu sameeyey magaalada Stockholm.

Xildhibaan C/Casiis Axmed Dhahar (Ridwaan) iyo C/qani C/qaadir Dahir oo ah Sarkaal sare, ku xigeenka  xogheynta Baaarlamaanka ayaa bulshada reer Sweden warbixin kooban ka siiyey xaalka amni, horumarka iyo hawlaha ka socda dalkii.

Saraakiishan ayaa la kulmi doona jaaliyadaha Puntland ee ku sugan Sweden iyo Norway, iyagoo safar ku aadi doona magaalada Gothenburg, isla markaa ka mahad celiyey soo dhoweynta loogu sameeyey Stockholm.

 

Sahan Desk News

info@sahanpost.com

 

 

 

 


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading