
Xingalool (Sahan Post):- Taliyaha booliska degmada Xingalool ee Gobolka Hyalaan ayaa ka warbixiyey fal aad u fool xun oo lagula kacay gabadh ka yar 10 sano, dhacdadan oo 29/10 bishan ka dhacday deegaanka Saaxda Cawo ee hoos Timaada Xingalool, ayaa waxaa lagu kufsaday, dabadeedna jidh-dil loogu gaystay gabadh jirta 8 Sano.
Axmed Maxamed Warsame oo kula hadlay warbaahinta gudaha degmada Xingalool ayaa sheegay, in ay faylka dhacdadan ay gacanta ku hayaan booliska degmadu. isla markaasna loo soo xidhay 3 nin oo ku eedaysan in ay falkan geysteen.
Taliye Axmed ayaa sidoo kale sheegay in ay la kulmeen qoyska gabadha la dhibaateeyey, oo isla markaasna ay baadhitaan qoto dheer ku hayaan dhacadadan oo argagax ku reebtay bulshada Soomaaliyeed.“Kiiskani waa kiis nagu cusub, inta aan ka warqabo hore uguma dhicin goboladan, kiiskani waa dhacay dadka waxaanu ugu digaynaa in aan kiiskan oo kale soo laa laaban“.
Taliyaha ayaa intaas ku daray in eedaysanaasha xidhan oo aanu magacyadooda warbaahinta la wadaagin, loo gudbin doono maxkamada oo ay marayaan ciqaabta ay mutaysteen. “Cidii kiiskani ku cadaado, sharciga ayaa la horgaynayaa“.
Si kastaba ha ahaatee dhacdooyinka noocan ah ee isugu jirka dilka, kufsiga iyo waxyeeleynta birri ma gaydada ayaa aad ugu soo badana dhulka Soomaalidu degto, iyadoo laba usbuuc uun ka hor gobolka Gal-guduud lagu dilay hal qoys oo ka koobnaa hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, iyadoo loo soo qabtay sadex nin, qoyska dhibanaha ayaan weli helin cadaalad dhamaystiran.
Cudurada dhimirka ku dhaca, iyo kharibanka bulshada ayaa waxaa loo aanayn karaa colaadaha dabo dheeraaday, iyo waxyeelada wehelka ay u noqdeen bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dhacdooyin laga anfariiro ay meelaha qaarkood ka noqotay wax maalin leh. iyadoo dadka biri ma gaydada ah oo waagii hore la xaq dhowri jiray, aan hada loo kala aanayn iyaga iyo kuwa dhibta wada.
Sahan Post waxay dabagal ku hayn doontaa kiiska Samiira C/kariim oo 8 sano ah, oo la kufsaday, dabadeedna si arxan daran loogu gaystay dhaawacyo. Oo iminka lagu dawaynayo Cusbitaalka Guud ee Garoowe.
Sahan News Desk

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.