Turkiga oo beenisay in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay diyaaradaha dagaalka ee T129 ATAK

T129 ATAK Over Mogadishos TurkSom Base.

Muqdisho (Sahan Post):-Wasaaradda Difaaca Turkey ayaa meesha ka saartay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay leeyihiin diyaaradaha dagaalka T129 ATAK ee mudooyinkii dambe warbaahintu hadal haysay in lagu  wareejiyay ciidanka Soomaaliyeed.

Wasaaradda gaashaandhiga Turkey ayaa sheegtay in Xaflad lagu qabtay gudaha safaaradda Turkey ee Muqdisho ay ka qayb qaateen “Diyaaradaha Turkey ee T129 ATAK iyagoo salaamaayay ka qaybgalayaasha xaflada.

Saraakiil kuwa amniga ah waxa ay sheegeen in diyaaradaha ay leeyihiin ciidanka Turkey ee ku sugan gudaha Soomaaliya balse aysan jirin diyaarado ay leeyihiin ciidanka Soomaaliyeed oo ah T129 ATAK.

Sarkaal kale waxa uu sheegay in diyaaradaha iyo gaadiid dhawaan la keenay ay leedahay xerada TurkSom balse aysan jirin diyaaro ay gaar u leeyihiin ciidanka Soomaaliyeed oo ah nuucaan casriga. Dowladsa Soomaaliya ayaa dhowr mar ku faantay in ay ciidanka ku qalabaysay hub casri ah.


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading