Siyaasi Jaamac Shabeel oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa maanta ka degay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.
Diyaarad siday siyaasi Shabeel oo ka soo duushay magaalada Muqdisho ayaa ka soo degtay gegeda diyaaradaha ee Laascaanood, waxaana halkaas loogu sameeyay soo dhaweyn.
Jaamac Shabeel ayaa dhawaan sheegay in uu tegayo magaalada Laascaanood, si buu yiri loo siidaayo maxaabiista Somaliland. Sidoo kale Shabeel ayaa dhawaan tagay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.
Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa aad u taageeray qadiyadda Laascaanood, xilligii uu maamulka Somaliland duqeynta ka gaysanayay magaaladaas
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.