Muqdisho (Sahan Post):- Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, oo laga soo doorto gobolka Nugaal, ayaa eedeyn u jeediyay Maxamed Siciid Atom, oo hore u ahaa hogaamiyihii iska-caabinta Galgala iyo Majayahan ee Puntland.
Faroole ayaa ku eedeeyay Atom inuu mas’uul ka ahaa dilkii in ka badan 180 qof intii uu socday dagaalkii ka dhacay buuraha Galgala intii u dhexeysay 2006 ilaa 2014. Atom, oo haatan ku sugan wadanka Qadar isagoo ku jooga damaanad qaad siyaasadeed, ayaan weli ka hadlin eedeymahaas.
Dagaalladaas waxay bilowdeen sannadkii 2006, markaas oo xukuumaddii Madaxweyne Cadde Muuse ee Puntland isku dayday in ay bilowdo mashruucyo macdan qodis ah oo laga fulin lahaa deegaanka Majayahan ee gobolka Bari, oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah.
Mashruucaas waxaa si adag uga horyimid dadka deegaanka, oo uu Atom iyo kooxdiisu hoggaaminayeen, kuwaas oo ku doodday in dhulkooda la doonayo in si aan caddaalad ahayn loo gala soo baxo khayraadka ku duugan.
Mar kale ayaa dagaal culus dib uga qarxay 2009, xilligii uu Faroole madaxweynaha ka ahaa Puntland, waxaana ka dhashay barakac baahsan iyo dhibaatoyin ay ku dhinteen dad rayid ah iyo dagaalyahanno labada dhinac ee dirirtu dhexmartay.
Kumannaan qof ayaa guryahoodii ka barakacay, halka hantidii iyo kaabeyaashii bulshada ee deegaanka ay burbureen.
Ugu dambayntii, kadib markii dadka deegaanka ay si adag u diideen mashruuca, maamulka Puntland ayaa joojiyay qorshihii macdanta lagu qodan lahaa ee Majayahan.
Senatorada ka socda Sanaag iyo Haylaan ayaan ilaa hadda ka hadlin hadallada Senator Faroole, iyadoo falanqeeyayaal siyaasadeed ay sheegayaan in eedeyntan cusub laga yaabo inay la xiriirto isbeddellada siyaasadeed ee ka dhex socda xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ee Puntland iyo tan Federaalka oo xadhkaha kala goostay sidoo kale doorashooyinka fooda soo saaran.
Sahan Post
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.