Aas Qaran oo Loo Sameeyay Sarkaal Ku Dhintay Weerar Ka Dhacay Calmiskaad, Maanta Lagu Aasay Boosaaso

Bosaso (Sahan Postkr:- Waxaa maanta magaalada Boosaaso aas loogu sameeyay Gaashaanle Cabdisalaan Mustafe Cabdullaahi, oo ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta Puntland, kaasoo ku dhintay howlgalka Calmiskaad.

Gaashaanle Cabdisalaan ayaa shalay u dhintay dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo gaari ciidan kula kacay wadada cusub ee Boosaaso iyo Dhaadar, weerarkaas oo sidoo kale ay ku dhinteen dhowr askari.

Gaashaanle Cabdisalaan wuxuu ahaa taliyaha ururka 21-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland, kuwaasoo markii hore fadhigoodu ahaa degmada Buraan ee gobolka Hayland.

Sahan News Desk

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading