Baarlamaanka Ansixiyay Sharciga la Dagaallanka Burcad Badeedada iyo ka Hortagga Afduubka

Muqdisho (Sahan Post):-

Baarlamaanka Soomaaliya

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindse Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka ee sharci Lr.36 oo soo baxay 30-kii Bishii April sanadkii 1975-tii, waxaana ogolaaday 140 Xildhibaan, mana jiro Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay intaba.

Sidoo kale,xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyey qaraar ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado maalin Qaran, oo sanad kasta dib loo xusuusto qaraxyadii iyo weerarradii Khawaarijtu ay ka geysteen dalka, 137 Xildhibaan ayaa si gacan taag ah ugu codeysay qaraarkaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaana waa ka aamusay.

Nagala Xidhiidh: info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading