Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Digniin u Dirtay Shirkadda Favori ee Maamusha Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Sahan Post):- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay xaaladdii dhawaan ka taagnayd garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo keentay hakad ku yimid howlaha garoonka sababo la xiriiray cabasho ay muujiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in si buuxda loo xaliyay cabashooyinkii ay qabeen shaqaalaha garoonka, isla markaana ay dib ugu laabteen shaqooyinkoodii si caadi ah.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in shirkadda maamusha garoonka, Favori LLC, lagu wargeliyay digniin rasmi ah oo ku saabsan in aysan mar kale soo laaban dhibaatooyin ama cabashooyin shaqaale oo la mid ah kuwii hore.

Sidoo kale, shirkadda Favori ayaa lagu amray inay si degdeg ah u fuliso tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xallinayo tabashooyinkii ay muujiyeen shaqaalaha, isla markaana ay hubiso in aan mustaqbalka dib u dhicin xaalado noocaas ah.


Nagala soo xiriir: info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading