
Nairobi (Sahan Post):- Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shir muddo saddex maalmood ah uga socday magaaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay qabanayaan shirweyne horseeda doorashooyin heshiis lagu yahay, iyagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashooyinka ay ku howllan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wax ka baddel kasta oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono dastuurkii lagu heshiiyay 2012-kii.
Golaha ayaa sheegay in aysan aqbali doonin
tallaabo kasta oo horseedaysa muddo kororsi ay samaystaan hay’adaha Dowladda Federaalka ah ee muddo xilleedkoodu dhammaadka yahay.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa xusay in nidaamka E-visa ee ay soo rogtay Dowladda Federaalka uu yahay mid laga leeyahay dano dhaqaale oo gaar ah, taas oo sida ay sheegeen khatar galinaysa midnimada iyo wadajirka dalka.
Waxaa mudooyonkin samada isku shareeray is abaabulka siyaasadeed ee ka socda husaga Soomaaliya iyo wadamada deriska la ah tani oo soo dedejisay maadaama wakhtigii doorashada Soomaaliya uu soo dhow yahay.
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.