
Muqdisho (Sahan Post):- Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo dheer ku maqnaa dalka dibaddiisa ayaa saaka ka soo degey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo oo hore u lahaa shacbiyad badan, ayaa haba yaraatee aan soo dhoweynihii hore looga bartay loo sameyn.
Amar ka soo baxay dowladda Somalia ayaa guud ahaanba hoos loogu dhigay soodhaweyn Magaalada Muqdisho loogu samayn lahaa Farmaajo, iyadoo loo sababeeyey bedqabka muwaadiniinta iyo ammaanka caasimadda.
Farmaajo oo aan horay uga soo muuqan jirin madalaha mucaaradka iyo shirarka looga arrinsanayo siyaasadda dalka ayaa lafilayaa inuu Muqdisho ku qabto kulamo aayakatashi ah, isagoo ku casuman shir dhawaan ka dhici doona Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.
Safarka Farmaajo ayaa ku soo beegmaya xilli muddo dhawr bilood ah ay ka dhiman tahay muddo xileedka xafiisyada ugu sarreeya dalka iyo xildhibaanada labada aqal uusanna jirin dhabbe heshiis lagu yahay oo doorashada lagu geli doono.
Shirar iyo kulamo siyaasadeed oo u badan is baahaysiyo iyo is muujin ayaa beryahan ka socda gudaha Soomaaliya iyo Wadamada Deriska la ah, tan oo sabab u ah soo dhowaanshaha wakhtiga doorashada Soomaaliya.
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.