Garowe (Sahan Post):- Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa shacabka u socdaalaya deegaannada Puntland uga digay isticmaalka nidaamka E-VISA ee Dowladda Federaalka, isagoo sheegay inuusan buuxin shuruudaha amniga dijitaalka ah. Wuxuu ku adkeeyay in adeeggan uu khatar gelinayo xogta dadka codsanaya fiisaha.
Puntland waxay sheegtay in nidaamka E-VISA uu leeyahay tabar-darro muuqata, iyadoo Wasiir Caydiid tilmaamay in weerarkii dhowaan lagu qaaday nidaamka uu muujinayo nuglaanta farsamo ee jira. Wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay mudnaanta siisay ururinta dhaqaalaha halkii ay ilaalin lahayd xogaha muwaadiniinta.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in dakhligga kasoo xarooda E-VISA aanu si cad ugu maqaneyn Dowladda Federaalka, maaddaama uusan jirin sharci qeexaya sida loo maareeyo loona wadaago lacagahaas. Arrintan ayuu ku tilmaamay mid dhalin karta maamul-xumo iyo mugdi ku saabsan isticmaalka dakhliga.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in E-VISA uu yahay “mashruuc boob lacageed ah” oo aan lahayn nidaamyo xog-ilaalin ah, isla markaana aan lagu darin kayd amni (backup). Wuxuu sheegay in xogaha la jabsaday durba lagu faafiyay internet-ka taas oo khatar cusub ku ah dadka fiisaha codsaday.
Hadalkan Puntland ayaa yimid xilli Dowladda Federaalka ay beenisay warkaas, iyadoo sheegtay in digniinaha ka dhanka ah E-VISA ay yihiin dacaayad ay faafinayaan kooxo aan dooneyn horumar laga gaadho mideynta nidaamka socdaalka dalka.
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.