Gaalkacyo (Sahan Post) – Booliska Puntland ee gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay Hodan Maxamuud Diiriye, 34 jir, oo lagu eedeeyay in ay si arxan-daro ah u dishay Saabiriin Saylaan Abdalla Wees, oo ahayd gabar 14 jir ah oo agoon ahayd isla markaana ka shaqayn jirtay gurigeeda. Riix halkan warbixin ku saabsan dilka Saabiriin
War-saxaafadeedka booliska ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha ay qiratay dilka, iyadoo baaritaannada hordhaca ah muujinayaan in Saabiriin loo geystay jirdil joogto ah, laguna dilay ceejin, mindi iyo gubitaan. Boolisku sidoo kale waxay sheegay in moobaylka Hodan laga helay caddeymo muujinaya tacaddiyo joogto ah oo ay u geysan jirtay marxuumadda.
Ninka Hodan qabay ayaa isna la xiray, ka dib markii uu isku dayay in uu qaato warqad geeri oo been abuur ah si, oo lagu aasi aasi lahaa Saabiriin, arrintaas oo dhalisay shaki keentay in baaritaan la sameeyo, sida ay noo sheegeen dad lasocday kiiska Saabiriin
Dilkan foosha xun ayaa kiciyay kacdoon ballaaran oo ay sameeyeen haweenka Gaalkacyo, kuwaas oo dalbanaya in Saabiriin loo helo cadaalad. Qoyska gabadha ayaa diiday in la aaso ilaa eedeysanayaasha si buuxda loo horgeeyo sharciga.
Dhacdadan ayaa ka mid ah kiisaskii ugu naxdinta badnaa ee dhowaan ka dhacay Soomaaliya, xilli dalka ay kusoo badanayaan falalka jirdilka, kufsiga iyo dilalka lagula kaco dadka nugul, iyadoo ururrada xuquuqul insaanka ay ku baaqayaan in la adkeeyo nidaamka cadaaladda iyo ilaalinta carruurta.
info@sahanpost.com

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.