Kismaayo (Sahan Post):- Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa war uu soo saaray kaga hadlay baahida loo qabo in dalka uu yeesho hoggaan mudnaanta siiya danta guud, xilli ay isa soo tarayaan kala duwanaanshaha aragtiyeed ee ka dhex jira hay’adaha siyaasadda Soomaaliya. Wuxuu sheegay in xaaladda dalka ay weli tahay mid u baahan xalal buuxa oo ku dhisan wada-tashi iyo isku-duubni qaran.
Madaxweyne ku xigeenku wuxuu xusay in Soomaaliya muddo dheer ka soo gudbaysey caqabado siyaasadeed oo is-biirsaday, balse ay weli muuqato in hoggaan badan ay danta gaarka ahi ka horreyso tan guud. Arrintan ayuu ku tilmaamay mid dib u dhigaysa dowlad-dhiska iyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka dowladnimada.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo jeediyey in si deg-deg ah loo isugu yeero shir aan shuruudo lagu xirin oo ay ka qeyb galaan hoggaamiyeyaasha Golaha Wada-tashiga Qaranka, si looga arrinsado arrimaha masiiriga ah ee khilaafka dhalinaya. Wuxuu sheegay in shir noocan ahi uu horseedi karo is-faham iyo go’aanno mideeya dalka.
Sidoo kale, wuxuu ku taliyey in musharaxiinta u tartamaya hoggaanka dalka ee 2026 la qanciyo, lana fahansiiyo muhiimadda go’aamada kasoo baxa Golaha Wada-tashiga Qaranka, maadaama ay saameyn toos ah ku yeelanayaan hannaanka siyaasadeed ee dalka.
Ugu dambeyn, Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa fariin gaar ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ugu baaqay inuu si geesinimo leh u hoggaamiyo dalka, una adeegsado talo-wadaag dhab ah. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay maanta u baahan tahay hoggaan mideeya shacabka oo horseeda xasillooni iyo dowladnimo waarta.
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.