Madaxa Turkish Airline ee Muqdisho oo Dacwad Laga Gudbiyey Kadib Cabasho Ka Timi Musaafiriin Soomaali

Muqdisho (Sahan Post):- Xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya ayaa sheegay inuu gacanta kuhayo dacwad ka dhan ah nin Turki ah oo lagu magacaabo Turhan kenmen kuna magacaaban Maareeyaha Xaafiiska Turkish Airline ee Soomaliya.

Ninkaan ayaa ku eedeysan sida xeer ilaalintu sheegtay inuu muwaadin soomaliyeed oo lagu magacaabo Cabdifataax Axmed Xuseen si ulakac ah uga reebay diyaarada isagoo safar ah.

Xaafiiska ayaa sheegay inuu baaritaan wado marka lasoo gabagabeeyana laga qaadi Doono Turhan talaabo sharciga Waafaqsan.

Ninkaan Turkiga ah ayaa maalmahan baraha bulshada qabsaday iyadoo rakaab badan oo Soomali ah dacwo ka yihiin hab dhaqankiisa iyadoo lagu eedeey in uu aad u bahdilo dadka Soomaaliyeed, kuna qasbo in ay baryaan markii uu diyaarada ka reebo, falkan oo loo arko fal bahdilaad iyo sharaf dil ku ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkooda ku safraya. 

Warar Baraha Bulshada lagu faafiyey ayaa muujinaya in ninkan uu tiroba dhowr jeer kala hadahay musaafiriin Soomaaliyeed iyagoo dalka safar kagasii baxayey.

Shirkadaha iyo Shaqaalaha Turkiga ee gacanta ku haya maamulka iyo madaarka Muqdisho, iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa la aamin sanyahay in ay ku takooraan dadka usoo doonta adeega xafiisyadooda, halka shaqaalaha Soomaalida ahna cadaadis Saaraan.

Tani waxay kusoo aaday iyadoo usbuucii hore dhamaan shaqaalaha madaarka Aden Cade Airport ay sameeyeen mudaharaad ay shaqada kaga fadhiisanayaan, kadib markii shirkada Favori oo gacanta ku haysa madaarka Muqdisho la sheegay in ay rabtay in dalka keensato Shaqaale Yugaandheys iyo Turkish ah oo ay ku bedelayso Shaqaalah Soomaaliyeed ka Hawlgelay garoonka Muqdsho.

Inta badan madaarada, dekedaha iyo illaha dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku haya dalal shisheeya oo ka qaata malaayiin lacag ah iyadoo aan adeeg buuxa dib loogu celin dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

info@sahanpost.com

 


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading