Duqeyn Dhanka Cirka ah oo Ka Dhacday Deegaanada Puntland.

Garowe (Sahan Post):- Dawlada Puntland ayaa sheegtay in saacadihii la soo dhaafay duqeyn lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish oo ku dhuumanayay tog ku yaalla deegaanka Baallade ee buuraleyda Calmiskaad, gobolka Bari.

Puntland ayaa xustay in ay duqeynta fulisay dowladda Maraykanka oo taageerta howlgalka la dagaalanka argagixisada Daacish.

Bayaan goordhaweyd ka soo baxay howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa lagu yiri “duqeyn ayaa saacado ka hor lala beegtay xubno firxadka argagixisada Daacish ka mid ah oo ku dhuumanayay tog ku yaalla Baallade, duqeynta waxaa fuliyey saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka”.

Ciidamada difaaca Puntland oo sheegay in ay bilaabeen howlgalkii ugu dambeeyay oo lagu soo afjarayo dagaalka Daacish ayaa maalmihii u dambeeyay howlgallo ka waday deegaanka Baallade.

Puntland ayaa marar badan taageero ka heshay dawladaha Maraykanka iyo Imaaraadka dhanka duqeynta cirka dagaalka ka socda Gobolka Bari, balse illaa iyo hada Puntland kama aysan hadlin duqeyn dhanka cirka ah oo lagu dilay Nabadood Caan Ka ahaa Gudaha Puntland iyo Gobolka Sanaag, nabadoonkaas o 13-09-2025 lagu dilay inta udhexeysa Badhan iyo Ceelbuh ee Gobolka Sanaag.

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading